Madaxweyne Xaaf oo gaaray Magaalada Garoowe si uu uga qeybgalo shirka wada tashiga ee Garoowe.

May 4, 2019 - Written by Editor

Garoowe:- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle, ayaa goordhaw soo gaaray Magaalada Garoowe si uu uga qeybgalo shirka wadatashiga Dowlada Fedraalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah uga furmi doona Caasimada Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo xubno ka tirsan labada Gole ee xukuumadiisa ayaana Garoonka Diyaaradaha Garoowe ee Gen. Maxamed Abshir si diiran ugu soo dhoweeyey Madaxweyanaha Galmudug iyo wafdiga uu hoggaaminayay.

Sidoo kale waxaa soo dhaweynta qeyb ka ahaa xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan DG Galmudug oo horudhac u ahaa wafdiga madaxweyne Xaaf.

Shirka wadatashiga ayaa la filayaa inuu si rasmi ah beri u furo madaxweynaha JFS, dhinacyada ka qeybgalayana waxaa ka muuqata biseyl siyaasadeed iyo isu-soo dhawaasho.

Xafiiska Warfaafinta
Madaxtooyada Galmudug.

Leave a comment

*

Archives
May 2019
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online