Wafdi ka socda Dowlad deegaanka Soomaalida OO Garowe soo Gaaray

May 29, 2019 - Written by Editor

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaasha ayaa xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wafdi ka socda Dowlad deegaanka Soomaalida.

Weftigan oo uu hoggaaminayey Kuxigeenka Xaafiiska Arrimaha Qurba-joogta iyo Dibu dajinta dowladda degaanka Soomaalida Cali Caafi Cali ayaa waxaa qayb ka ahaa Qunsulka Dowladda Itoobiya u fadhiya Puntland Gen. Mabratu iyo Saraakiil kale.

Booqashada Wafdiga ayaa la xiriirta xoojinta iyo iskaashiga labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, wadashaqaynta iyo Ammaanka, waxaana ay kulamo wada yeelan doonaan wetigani inta ay Puntland ku sugan yihiin masuuliyiinta Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyadda, Amniga, Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah iyo Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga. Weftiga ayaa sidoo kale kulamo muhiim ah la qaadandoona bulshada Dowlad Degaanka Soomaalida ee Puntland ku sugan.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa si mugle usoo dhoweeyey weftigani, waxaana uu la qaatay kulan gaar ah oo dulucdiisu ahayd soo dhoweyn iyo is xogwaraysi guud, islamarkaana waxa uu Madaxweynuhu ku booriyey Masuuliyiinta Wasaaradaha ee weftigan ay booqan doonaan inay si dhow ula shaqeeyaan, una fududeeyaan arrimaha muhiim ka ah ee ay dalka u yimaadeen.

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
May 2019
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online