Waftiga Madaxweynaha Puntland oo Heshiis Horumarineed La Saxiixday Shirkadda CCECC.

May 31, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga Dalka Shiinaha ayaa magaalada Beijing kulan kula qaatay Madaxda ugu Sareysa ee Shirkadda CCECC.

Shirkada CCECC oo xarunteeda weyn ay tahay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha ayaa hore u dhistay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, haddana waxa ay Puntland ka waddaa mashariic horumarineed oo ay ugu horeeyaan garoonka diyaaradaha Gaalkacayo iyo wadada Eyl-Dangorayo ee gobolka Nugaal.

Waftiga Madaxweynaha oo Ka kooban Wasiiradda Wasaaraddaha Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Ganacsiga, iyo Tamarta, Biyaha iyo Macanta ayaa waxaa ay shir la qaateen Madaxda ugu sareeysa Shirkada CCECC, kulankaas oo lagu kala saxiixday fulinta mashaariic horumarineed oo ay shirkaddu ka fulin doonto Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Faarax Cawaash iyo Madaxa Shirkada CCECC ayaa kala sixiixday dhismo deked kalluumaysi oo casri ah oo shirkaddu ka hirgalinayso degmo Eyl ee gobolka Nugaal, taasi oo horumarinaysa ka faa’iidaysiga khayaraadda badda, korna u qaadaysa shaqa abuurka iyo dhaqaalaha dalka, Isla markaana xoojinaysa xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeya Puntland iyo dalka Shiinaha.

Ugu dambayn, Weftiga Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa inta ay dalka Shiinaha ku sugan yihiin waxaa ay yeelandoonaan shirar iyo kulamo muhiim ah oo lagu xoojinayo xidhiidhka labada dhinac, Isla markaa lagu tayaynayo kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, waxaana uu qayb ka yahay heshiiska lagu dhisayo dekedda Kalluumaysiga degmada Eyl balanqaadyadii Madaxweyne Deni.

-DHAMMAAD-

Leave a comment

*

Archives
May 2019
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online