Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Daah-furay Bilawga Dhismaha Wadada Weyn ee Garoowe -Sin-ujiif.

June 5, 2019 - Written by Editor

Garoowe:- Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta daahfuray dhismaha wadada halbowlaha ah ee Garoowe ilaa Sin-ujiif ee gobolka Nugaal, wadada ayaa waxaa waxyeelo u geystey daadadka roobabkii da’ay.

Daahfurka dib u dhiska wadooyinka go’ay ayaa waxaa Kusimaha Madaxweynaha ku wehelinaayey Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Rooobka, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Afhayeenka Madaxtooyada Puntland, shirkado wadani ah oo ka qayb qaadanaya dhismaha wadada iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa ku dheeray muhiimadda ay leedahay wax wadaqabsiga iyo isku duubnida shacabka iyo dowladda, waxa uu hoosta ka xariiqay inaanay dowladdu ka nasan marna tan iyo intii ay go’day wadadu, dedaalkaasina uu dhalay in maanta la bilaabo wejiga koowaad ee dhismaha wadada.

“Waxaan u mahadcelinayaa cidkasta oo isu xilqaantay, mahad waa leeyihiin lakiin waa waajibaad dhammanteen ina wadasaaran, waa-jibaadkaasi intii gudatay waan u mahadcelinayaa oo ay kamid yihiin shirkaddaha gaar ka looleeyahay, kuwa dowladda iyo gaadiidleyda reer Puntland waa mahadsantihiin.”

“Waxaan Kaloo farayaa xukuumadda inay il gaar ah ku eegaan cid kasta oo ka qayb qaadatay, waayo sharaf ayay mudan yihiin, in la xuso ayay mudan yihiin. Tani waa bilaw, waxaan ku dedaalay inaanay cidina nasan maaalmaha ciida, dowladda waa faran-tahay dedaal kasta oo dalka la isugu furayo, Insha Alla si deg deg ah ayay u furmidoontaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa u mahadnaqay shacabka ka qayb qaatay dhismaha wadada, waxaana uu xusay in hadda dedaalkeeda lagu jiro isu furka dalka, dhawaanna la bilaabidoono dhismihii weynaa ee wadada, sidoo kale wuxuu ganacsatada iyo shacabka intooda kaleba ugu baaqay inaan loo kala harin dhammaystirka wadooyinka bur-buray.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
June 2019
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online