Madaxweynaha Gal-Mudug iyo Ra’iisul wasaare Kheyre oo kulmay[Masawiro]

June 26, 2019 - Written by Editor

Cadaado:-Madaxweynaha D.G Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa manta kusoo dhaweeyay Magaalada Cadaado wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Wafdi Ra’iisul wasaaraha ayaa safar dhulka ah galinkii dambe ee manta uga soo ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb waxaana afaafka hore ee Magaalada Godinlabe kuga hortagay Madaxda ugu sareysa Galmudug iyo Xildhibaano iyo Wasiiro katirsan Dowlada Federaalka ah waxaana loosoo gudbiyay Magaalada Cadaado halkaas oo uu boqolaal dadweyne ahi iskugu soo baxeen afaafka hore ee Madaxtooyada Ku-meelgaarka ah ee Galmudug.

Ra’iisuwasaare Kherye oo khudbad kooban jeediyay ayaa sheegay in uu Cadaado u yimid in uu la tashado Madaxda Galmudug kalana shaqeeyo Horumarka Galmudug.

Waxaa uu Madaxweynaha Galmudug ku amaanay sida wanaagsan oo uu uga shaqeeyay Horumarka Galmudug iyo dib u hishiisiinta uu ka sameeyay Galmudug waxa uuna sheegay in uu kala shaqeyn doono sidii loo sii Hormarin lahaa Gobolka.



A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2019
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online