Madaxweynaha Jubaland oo farxadda Ciiddul Fidriga la qaybsaday Dadweynaha Kismaayo.(Masawiro)

June 4, 2019 - Written by Editor

Kismaayo:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa dadweyne iyo masuuliyiin kala duwan maanta salaada ciidul fidriga kula tukaday Magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa ugu horayn guud ahaan umada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadan weyn isagoo ugu baaqay inay is cafiyaan oo gacmaha ay is qabsadaan.

Madaxweynahaha ayaa sidoo kale ka hadlay marxaladahii burburka lahaa ee dalku uu soo maray isagoo xusay in Soomaalida ay u nugul yihiin wax duminta iyo in hantida umada la burburiyo taas oo wadaniyada iyo dal jacaylka aan sal ku lahayn wuxuu intaas ku daray in burburkii dalka laga dhaxlay kala daadsanaan iyo sharciga oo aan la aaminin.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Dowladnimada Soomaaliya ay tahay wax adag in dadka sharciga lagu hago balse sanadahii dhawaa wax badan ay isa soo badalayeen inkasto qaybaalada ay wali tahay caqabad weyn oo aan laga gudbin.

Dhinaca kale wuxuu sheegay Madaxweynahu in Siyaasada dalka aanay fadhiyin oo wax badan ay khaldanyihiin isagoo xusay in Madaxda Dowlada Federaalka ah aanay war badan ka haynin dhibkii looso maray Dowladnimada iyo isku haynta Qaranka sida ay qiyamka u tahay.

Dadweynaha ree Jubbaland Ayuu isagoo sii hadlaya Madaxweynahu ugu baaqay midnimo iyo wadajir isagoo sheegay in doorashooyinka dhawaan dhacaya ay tahay in la ilaaliyo Dastuurka iyo sharciga Jubbaland u yaala taas oo ah waxa Dowladnimadeenu ay ku dhisan tahay.

Gudiga Xuduudaha iyo doorashooyinka ayuu Madaxweynahu sheegay in cidii damac uu ku jiro ay marto iyo shuruucda kale ee Jubbaland u yaala balse aan la aqbalaynin fara galin isagoo si gaar ah u xusay in warqadii dhawaan ay soo saartay Wasaarada Arimaha gudaha aysan ahayn wax Jubbaland u yaala.

Arimaha Amniga ayuu xusay Madaxweynahu in aan marna gorgortan laga galaynin oo ay tahay in qof walbaa uu wixii sharcigu u ogolyahay uu maro.

Odayaasha dhaqanka Jubbaland ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in ay kasoo dhalaalan doorkooda hogaamineed iyo ka odayaynta danaha umada iyo wadajirkeeda.
—–Dhamaaad–

 

—Dhamaad—

Leave a comment

*

Archives
June 2019
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online