Madaxweyne Deni oo Daah-furay Buugga Ardayga iyo Hagaha Macalinka ee dugsiyada Hoose.[Masawiro]

June 18, 2019 - Written by Editor

Garoowe:- Madaxweynaha Dowadda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay buugga ardayga iyo hagaha macalinka ee dugsiyada Hoose ee Puntland.

Munaasabadda oo ka dhacday Hoolka Jaamacadda tababarka macalimiinta Puntland ee GTECH Waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Mudaane Maxamed Cali Faarax , macalimiin, Hay’addo daneeya Waxbarashada Puntland iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ahaa as-aasayaashii Waxbarashada Puntland ayaa xusay qaabka ay xukuumaddu ula macaamili doonto waxbarashada Puntland oo hadda lagu tilmaamo tan ugu wanaagsan deegaanada Soomaalida, buugga ardayga iyo hagaha macalinka ayaa looga gol-leeyahay in lasoo saaro manhaj tayo leh, kaas oo la daabici doono gudaha sanadkaan lana gaadhsiin doono guud ahaan magaalooyinka iyo tuulooyinka Puntland si kor loogu qaado tayada Waxbarasho ee Puntland.

Dhanaca kale Madaxweynaha ayaa kormeeray fasalada ay wax ku bartaan macalimiinta loo diyaarinayo in ay wax ka dhigaan dugsiyada Puntland oo dhigta Jaamacadda tababarka macalimiinta Puntland ee GTECH.

” Runtii waxay ii tahay farxad weyn in aan kasoo qayb-galo daahfurkan maanta oo runtii Puntland u ah tusmo horumar iyo tiigsi balaaran oo dhinaca tacliinta ah, ummad walba oo jirta oo horumar ka hadlaysa waxa la hormarinayo waa dadka, guryaha iyo dhismuhuna wax tari maayo haddaan dadka la horumarin, waxaa Puntland ay uga duwan tahay deegaanada kale waa horumar bulshadeeda muddo dheer lasoo galinaayey marwalba waxay lahayd hanaan ismaamul iyo hanaan tacliin waana tan maanta miraheeda la guranayo waana tan ixtiraamka iyo kala dambaynta keentay.”

“Bulshada maanta habkii wax loo bari-jiray waagii hore waxba looma bari karo waa in habka casriga ah lala jaanqaadaa si dhallinyarada wax loo fahansiiyo, waxaanu u baahanahay in aan nidaamkeena tacliinta horumarino waxaan runtii ku faraxsanahay in Wasaaraddu ku guulaysatay in ay soo saarto manhaj qoran oo qeexan, maanta talaabadaas la qaaday waxaan u arkaa horumar wanaagsan oo laga gaaray dhanka waxbarashada” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
June 2019
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online