Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Safar Shaqo Ku Gaaray Magaalada Boosaaso.[Masawiro]

June 9, 2019 - Written by Editor

Boosaaso, Juun, 09, 2019: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa safar shaqo oo gaaban ku gaaray magaalada Boosaaso, waxaana xarunta ganacsiga Puntland kusoo dhoweeyey maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, Wasiirka Amniga dowladda Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Waftiga la socdey oo xilli habeenimo ah ka ambabaxay magaalada Garoowe ayaa sii maray degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolada Nugaal, Karkaar iyo Bari.

Kusima Madaxweynaha dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo qasriga Madaxtooyada Boosaaso ku hadlay ayaa ugu horayn u mahadceliyey masuuliyiintii gobolka kusoo dhoweeyey.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sheegay in safarkiisu uu ahaa safar shaqo oo gaaban, sidoo kale waxa uu xusay inuu ku faraxsan yahay safarka shaqo ee uu kusoo gaaray gobolka Bari, gaar ahaan magaalada Boosaaso oo nasiib u yeelatay inuu kusoo gaaro socdaalkiisii ugu horeeyey tan iyo doorashadii kadib. Madaxweyne Karaash waxaa uu tilmaamay in uu safaro shaqo oo kale ku imaandoono gobolka.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa inta uu joogo gobolka Bari shaqooyin muhiima ka qabandoona gobolka, waxaana uu kulamo muhiima la qaadandoonaa laamaha ammaanka, waxgaradka iyo shacab weynaha gobolka.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
June 2019
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online