Puntland oo ka tacsiyeysay geerida Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Puntland.

June 23, 2019 - Written by Editor

Garoowe:- Dowladda Puntland waxay ka tacsiyaynaysaa geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Puntland Yuusuf Xaaji Nuur oo Ku geeriyoodey dalka Turkiga.

Alle ha u naxariistee Marxuumku waxa uu Soomaaliya kasoo qabtay Xilal kala duwan, waxa uu ahaa masuulkii ugu horeeyey ee loo magacaabo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland.

Sidoo kale waxa uu qayb ka ahaa bud-dhigayaashii Puntland, isagoona qabtay xilal kale oo muhiim ah, kuwaasi oo uu ugu qareemay horumarka dalkiisa iyo dadkiisa Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda Puntland waxa uu uga tacsiyaynayaa shacabka Puntland, bahda Garsoor iyo masuuliyiinta Maxkamadda Sare geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur, si gaar ah waxa uu tiiraanyada ula wadaagayaa eheladii, asxaabtii qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabrigana u sakhiro, kuna Abaal mariyo Janatul Fardawsa, samir iyo iimaanna Alle ka siiyo eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku.

Hoos ka Daawo Puntland oo ka tacsiyeysay geerida Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Puntland Yuusuf Xaaji Nuur


DHAMMAAD- 
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
June 2019
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online