Dowladda Puntland oo Ka Tacsiyaysay Waxyeeladii Weerarkii Argagixiso ee ka Dhacay Kismaayo.

July 13, 2019 - Written by Editor

Garoowe:-Dowladda Puntland waxay ka tacsiyaynaysaa falkii argagixiso ee ay cadawga Soomaaliyeed ka geysteen xalay bisha Luulyo, 12, 2019 magaalada Kismaayo, kaas oo ay ku xasuuqeen shacab rayid ah oo aan waxba galabsan. Arxanlaawayaashaasi falkaasi foosha xun geystey waxaa ka hortegey oo soo afmeeray ciidamada geesiyaasha ah ee Jubbaland.

Puntland waxay tiiraanyada iyo xanuun ka waxyeelada falkaasi foosha xun la wadaagaysaa walaalahooda reer Jubbaland, gaar ahaan eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka baxeen shacabka aan waxba galabsan ee ku nafwaayey gaadmada cadawga tamartayar ee ku dhuumaalaysanaya dalkeena Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa iyo kan shacabka Puntland waxa uu shacabka iyo dowladda Jubbaland-ba uga tacsiyaynayaa waxyeelada dhacdadii xalay ee lahayd naf iyo maalba, waxa uu si gaar ah ugu tacsiyaynayaa eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo asxaabtii ay ka bexeen walaalaheena ku shihiidey falkaasi.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu Alle ‘SWC’ u weydiinayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhintay weerarkaasi bahalnimada ah inuu u naxariisto, denbigooda dhaafo, Samir iyo iimaanna Alle kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, intii ku dhaawacantayna waxa uu Alle uga baryayaa inuu u booga Dhayo.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
July 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online