Guddiga dhismaha wadada Boosaaso oo dib u helay xoriyadoodii

July 23, 2019 - Written by Editor

Boosaaso:-Maxkamada Darajada koowaad ee magaaladda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari oo maanta la horgeeyey 4 xubnood ee ka tirsanaa Guddiga dhismaha wadada Boosaaso oo mudo dhowr cisho ah ku xirnaa saldhiga bartamaha ee magaaladda si sharci daro ah.

Maxkamada Darajada koowaad ee magaaladda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari oo dhagaystay dacwada  ayaa go’aamisay in gudiga  la sii daayo ka dib markii wax danbi ah lagu waayey wallow saxaafaddu ay dibad joog ka ahayd.

Guddiga dhismaha wadada Boosaaso oo saxaafadda la hadlay markii la sii daayey ayaa waxaa ay bogaadiyeen dadweynaha Soomaaliyeed sidda wada jirka ah ee ay uga xumaadeen xariga haldoorka iyo culimada oo howl weyn u hayey shacabkooda.

Gudoomiyaha gudiga Guddiga dhismaha wadada Boosaaso  Sh. Maxamed Macalin ayaa ugu baaqay umada Soomaaliyeed wada jir iyo midnimo in ay wax u wada qabsadaan wixii siyaasada ah oo la isku khilaafsan yahay oo u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada in laga hishiiyo.

Dhinac kale Guddiga dhismaha wadada Boosaaso ayaa xusay in ay sii wadi doonaan shaqada wanaagsan oo ay u hayeen shacabkooda iyagoo ugu baaqay in lagala shaqeeyo in wax laga qabto kaabayaasha dhaqaalaha iyo weliba dalka horumarkiisa.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online