Gudiga dhismaha wadadda Boosaaso maxaa lagu xiray? Yaase Dowladda Federaalka ka dalbaday lacagta

July 22, 2019 - Written by Editor

Boosaaso waxaa maalmihii la soo dhaafay lagu xiray si sharciga ka baxsan gudiga dhisamaha wadadda Bartamaha Boosaaso oo ka kooban haldoorka bulshada oo ay ugu horeeyaan culimo, aqoon yahano iyo ganacsato sababata loo cuskaday xariga gudiga dib u dhiska wadada bartamaha Bosaaso waxaa lagu sheegay inay si khaldan oo hareer marsan ula xiriireen Dawlada Federaalka ah isla markaana ay ka soo gaartey lacag dhan $150.000/ oo dollar.

Halgan.net oo ilo wareed lagu kalsoonyahay la hadashay ayaa waxaa ay noo sheegeen in lacagtaan ay ka mid tahay qoondo dawlada Federaalku u qoon daysey degmooyin ay ka mid ahayeen Gaalkacyo, Garoowe iyo Boosaaso si loogu hormariyo degmooyinka dhamaadkii 2018.
Duqa degmada Boosaaso Abdisalaan Bashiir Abdisalaan ayaa waxaa safar shaqo ku tegay magaalada Muqdisho waxaan uu kulan la qaatay Raisal wasaaraha Raiisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali khayre waxaa uuna ka dalbaday in laga tageero dib u dhiska wadada bartamaha ee Boosaaso waana laga aqbalay,

Duqa degmada bosaaso Abdisalaan Bashiir Abdisalaan ayaa markii uu ku soo laabtey magalada Boosaaso waxaa uu qabtey shir jaraaid oo lagu shacinayo in Dawlada federaalka ahi ugu deeqda wadada lacagtaa waxa ay mudo socotaba ma suurata gelin in lacagtaa ay ka timaado dowlada federaalka bartamihii bisha juun 2019 ayaa federaalku ka soo dalbaday in wasarada maaliyadu soo dalbato bixinta lacagtaa, markaa duqu ka dalbaday wasaarada maaliyada Puntland in ay waraaq codsi bixin lacageed ah u qorto wasaarada maliyada Dowladda federaalka ah hase ahaatee mas’uuliyiinta wasaarada maaliyadda Puntland way ka dhega adaygeen iyaga oo ku andacoonaya lacago badan ayaa uga maqan tahay dhinac dowladda Federaalka Soomaaliya oo qoodo ahaan ay Puntand xaq u leedahay.

Mudo markii ay socotay wada hadal iyo is jidijiid ka dib waxaa wasaarad maaliyadda Puntland u sheegtay duqa degamada Boosaaso in wixii ay ka heli karaan dowladda Federaalka Soomaaliya ka raadsadaan degmo ahaan.

Duqa degamada Boosaaso Abdisalaan Bashiir Abdisalaan ayaa warqad u qoray dowladda Federaalka Soomaliya waxaan uu ka dalbaday lacagtii qoonda ee loogu tala galay horumarinta Boosaaso waxaan uu u sheegay in lacagta lagu soo shubo accountiga gudiga dhismaha wadadda bartamaha Boosaaso oo uu duqa degmada Boosaasna uu ka ahaa xubin firfircoon.

Dawlada Federaalku Soomaaliya waxay ka jawaabeen codsigii Duqa degmada Boosaaso waxaan ay lacagtii ku soo shubeen accountiga gudiga dhismaha ee wadadda Boosaaso.

Dhinac kale Duqa  Degmada Boosaaso oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa ka war wareegay in uu isagu yahay shaqsiga dalbaday lacagta amrayna in lacagta lagu shubo Accountiga gudiga dhismaaha wadadda bartamaha Boosaaso halka uu eedeyn been ah u jeediyey gudiga dhismaha wadadda bartamaha Boosaaso

Hoos ka Akhriso warqada uu duqa degmada Boosaaso uu uga dalbaday lacagtii wadadda barmaha Boosaaso dowladda federaalka Soomaaliya

Haddaba waxaa is wiidiin leh yaa weeyey danbiilaha haddiiba danbi laga dhigo in dowladda dhexe la wiidiisto lacag? Duqa degmada Boosaaso awood intee le’eg ayuu u leeyahay in lacag uu ka dalbado dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo aan marin maamulka wasaarada maaliyadda ee Puntland ee uu ka yahay xubinta ? Yaa hareer maray nidaamkii  uu u ahaa Duqa magaalo? Hadii cid la xiraayo waxaa loona xiraayo in lacag la raadsado dowladda dhexe waxaa sax ahayd in la xiro Duqa degamad Boosaaso.

Gudiga dhismaha wadadda bartamaha Boosaso ma mudnayn in la xiro ama loo quuro xariga maadama ay bulshadooda wax u qabanayeen dowladda Puntland ay iyagu magacaabeen balse waxaa Sharaf u ah in lagu xiro waxqabadka dalkooda iyo dadkooda.

M_M_Deeq
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
July 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online