Madaxweynaha JFS oo tacsi u diray Qoysaska iyo Ehellada ku dhintay qaraxii Kismaayo

July 12, 2019 - Written by Editor

Muqdisho; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyey dadka dhaawacyadu ay ka soo gaareen weerarkan arxan darrada ah in uu Alle u boogo dhayo, isagoona Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladdooda caafimaad.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray hay’adaha ammaanka heer Federaal ee ku sugan Jubbaland iyo kuwa heer dowlad Goboleed in ay sare u qaadan feejignaantooda oo ay sugaan amniga, kana hor tagaan falalka bahalnimada ah ee argagixisadu ay ku doonayaan in ay ku wax-yeelleeyaan amniga Jubbaland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay bulshada Jubbaland in ay xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, siina joogteeyaan la shaqeynta laamaha ammaanka, si loo xaqiijiyo amniga guud ee deegaannada oo ay ku soo food leedahay doorashada Madaxtinimo ee Jubbaland.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi, 
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, 
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 

Leave a comment

*

Archives
July 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online