Madaxweynaha Jubbaland oo caawa booqday Isbitaalka weyn ee Kismaayo.[Masawiro]

July 12, 2019 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa uu booqday Isbitaalka weyn ee Magaalada Kismaayo halkaas oo la geeyay dadkii uu dhaawacu ka soo gaaray weerarkii ururka Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka Madiina ee Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa uu booqday qaybta gargaarka deg dega ah oo ay dhakhaatiirtu la tacaalayeen shacab kale duwan oo qaba dhaawacyo qaarkood ay yihiin kuwa culus.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa uu tacsi
u diray dadkii eheladoodu ay ku dhinteen weerarkii maanta ka dhacay Kismaayo waxaan uu alle uga baryey kuwa qaba dhaawacyada in alle uu caafimaad deg deg ah siiyo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in Al-shabaab ay go’aansadeen siddii ay shacabka Soomaaliyeed loo tirtiri lahaa arrinkaas oo ay u maraan wado walba.

Ugu danbayntii ayaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam waxaa uu ku amaanay ciidanka amaanka Jubbaland sidda deg deg ah oo ay uga falceliyeen weerarka Hotel Madiina iyo sidda dad fara badan ay u soo badbaadiyeen.

Isha Masawirada TV-ga Jubbaland

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online