Madaxweyne Deni ayaa kulan la qaatay Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Guddiga Shirka Maalgashiga.

July 27, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada Garoowe kulan kula qaatay Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland iyo Guddiga qabanqaabada Shirka Maalgashiga.

Kulanka Madaxweynuhu la yeeshay Ururada Bulshada Rayidka ah ayaa ahaa is xogwareysi guud, Ururada Bulshadu waxay uga mahadceliyeen Madaxweynaha qaabilaadda, iyagoo soodhoweeyey magacaabidda Golaha Sare ee La-talinta Madaxweynaha iyo tallaaboyinka kale ee Dowladdu qaaday sida arrimaha Ciidamada, la dagaalanka Musuq maasuqa iyo qorsheyaasha maalgashi.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhegaystay tallooyin ay soojeediyeen Ururada Bulshadu, wuxuuna bogaadiyey shaqada ay bulshada u hayaan Metelayaasha Ururada Bulshadu.

Dhinaca Kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Guddiga diyaarinaya Shirka Maalgashiga Puntland oo loo muddeeyay (15-17ka, September, 2019.

Madaxweyne Deni ayaa Guddiga ka dhegaystay warbixin ku saabsan Shaqada u qabsoontay iyo sida ay u socoto diyaarinta Shirka Maalgashiga Puntland.

Shirka Maalgashiga Puntland oo uu dhowaan si rasmi ah u shaaciyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waa shir lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi ee ka jira Puntland.

-DHAMMAAD-

Leave a comment

*

Archives
July 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online