Madaxweyne Deni ayaa Xeer Madaxweyne ku joojiyey Dhismeyaasha iyo Deegaamaynta Dhul-daaqsi meedka Dooxooyinka Waw iyo Bixin.

July 17, 2019 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 03, ee 17ka Luulyo 2019, wuxuu ku joojiyay dismeyaasha iyo deegaamaynta Dhul-daaqsimeedka Dooxooyinka Waw iyo Bixin ee u dhexeeya Garoowe iyo Buuro wadal.

Ku: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta.

Ku: Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Is-bedelka Cimilada.

Ku: Wasaaradda Amniga iyo DDR

Ku: Taliyaha Ciidanka Daraawiishta

Ku: Taliyaha Ciidanka Booliska

UJeeddo: Joojin Dhismeyaasha iyo Deegaamaynta Dhul-daaqsimeedka Dooxooyinka Waw iyo Bixin.

Waxaa Dhammaan Wasaaraddaha iyo Teliyeyaasha Ciidamada Booliska
iyo Daraawiishta ee warqadani sida tooska ah ugu socoto lagu wargeli nayaa laga bilaabo maanta oo ay Taariikhdu tahay 17/07/2019 in la joojiyay dhismeyaasha iyo deegaamaynta Dhul-daaqsimeedka Dooxooyinka Waw iyo Bixin ee u dhexeeya Garoowe iyo Buuro wadal.

Dooxooyinkaas oo Dowladda Puntland u aqoonsantahay in ay yihiin Dhul-daaqsimeed, ciddii ku xad-gudubtana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

– Xeerkan wuxuu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

***DHAMAAD***
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
July 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online