Madaxweyne Ku-xigeen Puntland “Shaqooyinka Ka Socda Boosaaso Waa Kuwii Ay Xaqa U Lahayd”.[Video]

July 12, 2019 - Written by Editor

Boosaaso:- Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku sugan xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayaa Kormeeray dhismaha wadada lamiga ah ee Biyo kule oo cabirkeedu dhan yahay 1km iyo 740m iyo dhismaha wadooyin yar yar oo laami ah, kuwaasi oo isku xidha wadooyinka waaweyn ee magaalada oo dhan 800m, saldhigga badhtamaha magaalada iyo xaafadda Guryo Samo oo laga hirgelinaayo duleedka Galbeed ee magaalada Boosaaso.

Kormeerka Madaxweyne Ku-xigeenka waxa ku wehelinaayey Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuquraadiyadda, Guddoomiyaha Gobolka Bari, Duqa Degmada Boosaaso, Taliyaha Qaybta gobolka iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka warbixiyey kormeer kiisa shaqo ee uu maanta ku tegey dhismaha Wadooyinka, saldhigga badhtamaha iyo xaafadda cusub ee Guryo Samo.

“Waxaan ku faraxsanahay sida maamulka gobolka uu u wada shaqaynaayo iyo madaxda sare ee korjoogtada u ah ee dowladda dhexe, waan idinku bogaadinayaa shaqooyinka badan ee socda sida aad uga wada-shaqaynaysaan, wadooyinka laamiga ah ee socda waxay ku dhismayaan wada shaqayn iyo kala dambayn, waxaan kaloo ku faraxsanahay dhismaha saldhigga Badhtamaha ee looga shaqeeyey sida tayadaleh, markii iigu dambeysey Saldhigga iyo maanta aad bay u kala duwan yihiin waan garan waayey”.

“Shaqooyinka ka socda Boosaaso waa kuwii ay xaqa u lahayd, talaabadaa iyada ah ku wada baan idin leeyahay, anana wixii karaankayaga ah waan ka qayb qaadanaynaa, inagoo dhammaanteen Alle ‘SWC’ kaashanayna, Ganacsatada hirgelinaysa Xaafadda Guryo Samo waan bogaadinayaa, waxay makhraanti u yihiin nabadgelyada ka jirta mandaqadda iyo horumarka isasoo taraya” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xusay in Boosaaso mudan tahay in il gooniya lagu eego maadaama ay tahay ishii dhaqaalaha dalka, Isla markaana ay muhiim tahay inay Dowladdu ku shaqayso si loo dhiirigeliyo Ganacsatada, loona kobciyo koboceena dhaqaale.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
July 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online