Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Gaadhay Qardho.[Masawiro]

July 13, 2019 - Written by Editor

Qardho:- Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaadhay magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyey.

Soo dhoweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa qayb ka ahaa maamulka gobolka Karkaar, kan degmada Qardho, waxgarad, siyaasiyiin iyo shacabka degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa shacabka iyo masuuliyiinta gobolka Karkaar uga mahadnaqay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyey isaga iyo weftigiisa, waxa uu xusay in hidde iyo dhaqan ay shacabka reer Qardhood u leeyihiin qaabiladda habmaamuuskeedu sareeyo ee ay kusoo dhoweeyeen isaga iyo weftigiisa.

Sidoo kale Madaxweyne Karaash oo ka hadlay muhiimadda safarkiisa ayaa tilmaamay in saldhiggiisu yahay is xogwaraysi, korjoogtayn iyo in dowladda dhexe qiimayso xaaladda dalka, sida shaqooyinku u socdaan iyo gudashada waajibaadka dastuuriga ah.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xusay in Qardho uu kasoo shaqeeyey xiiliyo kala duwan, waxaana uu hoosta ka xariiqay in haddana uu diyaar u yahay ka shaqaynta horumarkeeda iyo dhismaha dowladnimadeeda.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
July 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online