Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Oo Kulan la qaatay Madaxa UNDP ee Soomaaliya.

July 31, 2019 - Written by Editor

Garoowe:- Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xarunta Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe kulan kula qaatay Madaxa UNDP Soomaaliya Jocelyn Mason iyo saraakiil kale.

Kulanka waxaa looga hadlay guud ahaan mashaariicda horumarineed ee UNDP ka wado Puntland gaar ahaan mashruuca JPLG oo uu Mason ka hambalyeeyey sida habsamida leh ee dowladdu u wado iyo guulaha la gaaray.

Madaxwayne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa uu sheegay siday uga go’an tahay Dowladda Puntland inay maamul daadejinta gaarsiiso degmooyin hor leh oo aanay horay u gaarin mashaariicda barnaamijkan, dhaqaale uruurin iyo isku tashi gudaha ahna samayneyso dawladdu sidoo kale wuxuu xusay inay muhiim tahay hay’adaha JPLG ku shaqo leh inay u qareemaan sidii taageero loosiin lahaa dawladda si ay hiigsigeeda u gaarto.

Dhankiisa Madaxa UNDP Soomaaliya Jocelyn Mason waxa uu bogaadiyay sida habsamida leh ee Puntland uu uga hirgalisay mashruucaan JPLG, wuxuuna sheegay in hadda loo hayo dhaqaale JPLG, lana sii wadi doono u qareemida shaqadan wanaagsan ee bulshada loo wado.

Sidoo kale waxaa kulanka lagaga wada hadlay in UN-ku ay taageero ka gaystaan arrimaha doorashooyinka ee dawladdu ka fulin doonto Puntland.

DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
July 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online