Madaxweyne Puntland Deni oo Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wefti uu hogaaminayo Ergayga QM ee Soomaaliya.

July 8, 2019 - Written by Editor
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyadda ee Garoowe ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey uu dhowaan usoo magacaabay arrimaha Soomaaliya, Ambassador James Swan iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay ka midyihiin Madaxa Hay’adda OCHA Justin Brady, Madaxa WFP ee Soomaaliya Lauren Bukera iyo Masuuliyiin kale.

Kulanka ay yeesheen Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo, waxaa looga hadlay arrimo ay ka midyihiin Amniga, Siyaasada, Horumarinta iyo Gargaarka Bani’aadanimo.

“Waxaan si wanaagsan uga wada-sheekaysanay arrimo muhim ah oo ah Geedi-socodka dhismaha Dowladdnimada Soomaaliyeed iyo sidii loo heli lahaa mustaqbalka Dowlad mideysan, oo midnimadii Soomaaliya illaalisa sidoo kale Federaalka nidaamkiisa horumarisa.

Waxaan ku faraxsanahay Puntland doorka ay ka qaadato dhammaan nabadeynta iyo dowladd-dhiska Soomaaliya muddadii dalku uu xaaladda adagg ku jiray. Waxaan sidoo kale u cadeynay inaan diyaar unahay inaan kaalinta nagu haboon ka qaadano Geedi-socodka loogu jiro Soomaaliya inay meeshay hada joogto meel ka fiican gaarto” Ayuu yiri, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ka warbixiyey kulanka ay la qaateen Wafdiga ka socday Qaramada Midoobey.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Soodhoweynta, Wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan wadashaqeynta iyo Mashaariicda Qaramada Midoobey ka fuliso Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa kulanka Wafdiga Qaramada Midoobey ku weheliyey, Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Maxamed Dhabanacad, Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Xaange, Wasiirka Deegaanka, Beeraha iyo Waraabka Ismaaciil Diiriye Gamadiid, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Aamina Cismaan Xaaji, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Dowladda Puntland Maxamed Cabdiladiif iyo Afhayeenka Madaxtooyadda Dowladda Puntland Jaamac Dabaraani.

——-DHAMAAD——
XAFIISKA WARFAAFINTA EE MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Comments are closed.

Archives
July 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online