Weerar lagu qaaday Hotel Madiina ee magaalada Kismaayo

July 12, 2019 - Written by Editor

Kismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in dabley hubaysan oo ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar is miidaamin ah ku qaadeen Hotelka Madiina ee Magaalada Kismaayo.

Dableyda Hubyesan ayaa waxaa ay Hotel Madiino oo loo aqoon jira Hotel Cascaseeyey ay ku weerareen gaari laga soo buuxiyey walxaha qarax ka dibna waxaa ay gudaha u galeen dablaydu Hotelka balse weerarka markii
uu dhacay ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidanka nabadsugid ee maamulka Jubbaland waxaan dagaal adag dhexmaray dableydii hubaysnaya ee ururka Al-shabaab oo ku guda jira laynta dadkii deganaa Hotelka Madiina.

Ciidanka nabadsugid ee maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay ku guulaystaan in ay qololka hoose ee Hotelka ay ka saaraan dableydii hubaysnayd ka diba la isla aado qaybta sare ee Hotelka taasna waxaa ay suurto gelisay in weerarka ay ka badbaadaan xubna katirsan Golaha Aqalka sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya , odayaal dhaqameed , qurbo joog Iyo Xildhibaano
ka tirsan maamulka Jubbaland.

Saraakiisha amniga ee Jubbaland weli kama aysan hadlin weerarka waxaase caawa shir uga socdaa magaalada Kismaayo Gudiga amniga ee Jubbaland waxaan la filayaa in ay war ka soo saaraan saaacadaha soo socda weerarkii maanta ka dhacay gudaha Kismaayo.

Ilaa hadda lama hayo tirada rasmiga ah ee ku dhintay ama ku dhaawacmay weerarkii ururka Al-shabaab ay ku qaadeen Hotel Madiina ee magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online