Xiisadda Iran iyo reer Yurub oo sii kordheysa

July 28, 2019 - Written by Editor

Iran ayaa ku tilmaantay cadaawad iyo daandaansi, qorshe ay Yurub ku rabto in ay ku sameyso ciidamo isbaheysi ah oo galbiya maraakiibta laga leeyahay Yurub ee maalin walba marto gacan biyoodka Hormuz ee u dhaw Iran.

Afhayeen u hadlay dowladda Iran oo la yiraahdo Ali Babiel ayaa maanta sheegay in Iran ay ogtahay in Yurub ay rabto in ay ciidan u soo dirto Hormuz, taasoo buu yiri ah farriin cadawtooyo.

Xiisadda u dhaxeysa Iran iyo galbeedka ayaa in-dhawaalaba sii xoogeysaneysay kaddib marki ay Tehran kordhisay dhaqdhaqaaqyada ay ka waddo marin biyoodka Hormuz.

Horaanti bishaan ayay ciidamada kacaanka Iran Hormuz ku qabsadeen markab watay calanka Britian, tallaabadaas oo ay Britian ku tilmaantay ficil burcad badeednimo oo ay ku dhaqaaqday dowlad.
Marin biyoodka Hormuz ayaa ku yaalla inta u dhaxeysa Gacanka Percia iyo Gacanka Cuman ee Bariga Dhexe.

VOA Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online