Dowladda Somalia oo toogasho ku fulisay laba Shabaab ah

August 5, 2019 - Written by Editor

Muqdisho:-Dawladda Soomaaliya ayaa laba nin ku toogatay maanta magaalada Muqdisho. Labadaasi nin ayaa lagu helay inay ka tirsanaayeen maleeshiyada ururka Al-Shabaab, islamarkaana ay ku lug lahaayeen weerarro iskugu jira qaraxyo iyo khaarajin oo lala beegsaday muwaadiiniin iyo hay’ado Soomaaliyeed.

Canshuur Cusmaan Abuukar oo 23 jir ahaa iyo Maxamed Cali Boorow oo 25 jir ahaa lagu toogtay dugsiga booliiska.

Labadaasi nin ayaa maxkamaddu sheegtay inay ku lug lahaayeen weerarro ay ka mid ahaayeen kuwo lagu dilay Xoghayihii ururka haweenka Canab Cabdullaahi Xaashi iyo weerarkii uu ku dhintay weriye Cawil Daahir Salaad.

Labada nin ayaa hore ugu guuldarraystay racfaan ay ka qaateen xukunka dilka ah oo lagu xukumay horraantii sannadkan.

Xasan Kaafi Qoyste ayaa warbixintan kasoo diray Muqdisho.

Voa Somalia Halgan.net

Comments are closed.

Archives
August 2019
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online