Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland oo loo doortay Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan (Masawiro)

August 17, 2019 - Written by Editor
Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan

Kismaayo:-Waxaa maanta la soo afmeeray Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland taas oo ka dhacday Kismaayo ee xarunta KMG ee Maamulka Jubaland waxaana doorashada si live u tabinayey qaar ka mid ah warbaahinta Soomaaliyeed .
Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa ku tartamay labo musharax oo kala ahaa Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan iyo Xuseen Shiilow Cali.
Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan ayaa waxaa uu ku guuleystay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, waxaana uu helay codod dhan 55 cod, halka Musharaxii kale ee la tartamayay Xuseen Shiilow uu helay 18 cod.
Waxaa sidoo kale isla maanta la doortay Guddoomiye kuxigeenka 1aad waxaana isna loo doortay Aadan Khaliif Xaaji oo keligiis tartamayay, waxaana Xildhibaanada ay ugu codeeyeen qaab gacan taag ah, maadaama aanay jirin cid la tartantay.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee baarlamaanka Jubaland ayaa waxaa loo doortay Cabdi Baalley Cismaan.
22-ka bishan oo ku beegan Khamiista soo socota ayaa la filayaa in lagu qabto magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Maamulka Jubaland doorashada Madaxweynaha Jubbaland.

Dhanka kale Wasaarada arimaha DFS ayaa war murtiyeed ay soo saartay waxay ku cadeysay in qaabka ay u socoto dooashada Jubland ay garab marsantahay sharciga sidaa adrteedna aysan aqoonsan doonin .

Waxaa sidoo kale taageeray doorashada gudoonka Baarlamaanka Jubaland dowlada Puntland ka dib markii ay soo saartay warmurtiyeed ay ku taageereyso.

A/Cawale
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
August 2019
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online