Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo geeriyooday

August 1, 2019 - Written by Editor
Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan

Qadar :- waxaa goor dhow Isbitaalka Hamad ee magaalada Doxa ee xarunta dalka Qatar ku geeriyooday Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan oo ku magac dheeraa (Eng. Yariisow) wuxuuna u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.

Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa mudo isbuuc ah waxaa lagula tacaalayey isbitaalka Hamad ee magaalada Doxa .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Cumar (Eng. Yariisow) oo goor dhaw ku geeriyooday dalka Qatar.

A/Cawale
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
August 2019
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online