Madaxweynaha KGS oo kulan la qaatay Wasiiru- Dowlaha Britain u Qaabilsan Arrimaha Afrika

August 22, 2019 - Written by Editor

Baydhabo:- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen Ayaa Daahfurey Xarun loogu Talagalay inay Tababar ku Qaataan Ciidanka Xooga Dalka Qeybta 60aad Taasi oona ay ka koobantahay Xafiisyo iyo Goobo lagu Barto Sida Wax loo liisho.

Madaxweynaha ayaa Gudaha Xarunta Waxaa kuso dhoweyey Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha Dibada Dowlada ingiriiska Uqaabilsan Arimaha Afrika Safiirka Dowlada ingiriska u fadhiya Soomaaliya iyo Sarakiil Kala Duwan.

Soo Dhoweyn ka dib madaxweyne ayaa kormeerey qeybaha ay ka kooban tahay Xaruntan waxaana uu bogaadiyey Saraakiisha Dowlada Engiriiska sida ay marwaliba ugarab tagan yiihin sidii Dowlada Soomaaliyeed ay uheli lahayd Ciidamo tayaysan oo la wareega Aminiga Guud Deegaanadda Koondur Galbeed.

Kormeerka iyo indha indhaynta ka dib Madaxweynaha ayaa kullan Saacado Qaatay Waxa uu la qatay Madaxda ka Socotay Dowlada Ingiriska Waxayna Kawada Hadleen Sidii Xariirka Dowlada Ingiriiska ay u kordhin Lahayd Waxaana kulanka uu ahaa Mid looga hadlaayey Qodobo ay Kamid ahayeen Tayanta iyo Tababarida Dowlada Ingiriiska ay Siinayso Ciidanka Dowlada Somaliyeed gaar ahaan kuwa KG.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Lafta gareen Ayaa Madaxda kala Hadlay Sidii Kaalintooda ku aadan Xureynta Gobolada Koonfur Galbeed uga gaysan lahayeen Sido kale Madaxweyne Cabdicasiis ayaa Madaxda kala Hadlay Sidii ay Wax uga Qaban lahayeen Xaaladaha Biniadanimo ee ka jira Koonfur Galbeed Somaliya.

Madaxda kasocotay Dowlada Ingiriiska ayaa Dhankooda waxa ay Sheegen inay Wadaan Sidii ay usoo Saari lahayeen Macalimiin Somali ah oo Tawabarta Ciidanka Waxana ay Carabka ku adkeeyen in Kan Ingiriis ahaan ay kaalin Weyn ka geysan Doonan Xureynta Koonfur Galbeed Soomaaliya iyagoona ay Xuseen in Mar waliba muhiimada koowaad ay Sinayaan Arimaha Biniaaddanimada.

—DHAMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
August 2019
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online