Madaxweynaha KGS oo Shir gudoomiyey Shirka Khamiis laha ay yeeshan Golaha Wasiirada KGS.

August 8, 2019 - Written by Editor

Baydhabo:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta gareen ) ayaa Shir gudoomiyey Shirka Khamiis laha ay yeeshan Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka KG Todobaadka Shirka Waxaa looga Hadlay Arimaha Amaanka Dhaqaalaha Iyo Siyaasada, Warbixin ku aadan Amniga Waxaa laga Dhegeystay Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Amniga Isaag Baarow Isaag Waxaana uu ka Warbixiyey Howl galadii ugu dambeeyey ee ka Dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose kaasi oo Jab Xoogan loogu Geystay Maleeshiyada Al-shabaab.

Sidoo kale Waxaa Hindise Sharciyeed Soo Gudbisey Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib udhiska KG iyadoona Hindisaha Golaha Wasariirada u aqriyey Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib udhiska Koonfur Galbeed.

Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa sidoo kale waxaa laga Dhegeystay Warbixin ku aadan Habsame usocodka Shaqada iyo Shaqaaleysiinta Bulshada kasoo jeeda Koonfur Galbeed Somaliya Waxayna Muujiyeen Shaqaalaysiinta Bulshada in Haatan ay Tahay Mid ku Salaysan Cadaalad.

Dhanka kale Golaha Wasiirada ayaa amaaney Habsami socodka Shaqaaleys iinta kuna dhiira giliyey Gudoomiyaha Gudiga Shaqaalaha Raydka sida quruxda badan uu ugu shaqeynayo shacabka.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa dhamaan Masuuliyiinta iyo Shacabka ugu baaqay in dhinac loogu soo jeesto Xureynta Deegaanadda Koonfur Galbeed ee Dagaalka loogu jiro Kooxda Nabad Diidka Al-shabab.

A/cawaale
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
August 2019
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online