Madaxweynaha Puntland oo Kormeeray Qaar kamid ah Wasaaraddaha Dowladda ee Garoowe.

August 13, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer ku tegey qaar ka mid ah Wasaradaha Dowladda ee ku yaalla caasimadda Garoowe, kuwaasi oo kala ah Wasaaaradda Arrimaha Gudaha,
Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta iyo Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa daaranaa korjoogtaynta hawlaha shaqo ee ka socda xafiisyada Wasaaradahaasi ee u adeegaya shacabka Puntland.

Ugu horayn Madaxweynaha Puntland ayaa kormeeray Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta, waxaana uu mid mid u galay xafiisyada, isagoo ka xog-waraystay shaqaalaha iyo masuuliyiinta Wasaaradda hawl-maalmeedkooda shaqo.

Intaasi kadib Madaxweynuhu waxa uu kulan gaar ah la Qaatay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cadiraxmaan Dhabanacad, Wasiir Ku-xigeenada Wasaaraddaasi Cabdiweli Mire Xirsi iyo Maxamed Musadaq Maxamed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Cali Nuur Jubba.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa kormeeray Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha oo ay ku sugnaayeen Wasiirka Wasaaraddaasi Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan), Wasiir Ku-xigeenka Maxamed Bashiir Cabdullaahi iyo masuuliyiinta kale ee Wasaaraddaasi. Madaxweynuhu waxa uu kormeeray dhismaha cusub ee ay yeelandoonto Wasaaraddu iyo xafiisyada Waaxaha Wasaaradda oo dhammaantood ku guda jira hawlahooda shaqo.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhammaan masuuliyiinta iyo shaqaalaha labada Wasaaradood ee uu maanta kormeeray ku booriyey inay sii laba-jibaaraan shaqooyinka muhiim ka ah ee ay u hayaan shacabkooda.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
August 2019
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online