Madaxweynaha Puntland oo Shacab weynaha Caasimadda Garoowe La oogey Salaadda Ciidul Adxa.

August 11, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka weynaha caasimadda Garoowe kula oogey salaadda ciidul Adxaha, Gar ahaan Garoonka kubadda cagta Mire Awaare.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sidoo kale la oogey salaadda ciidda shacabkiisa, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, isimmo, nabadoonno, waxgarad, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale ayaa qayb ka ahaa munaasabadda.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhammaan ummadda islaamka ah, ummadda Soomaaliyeed iyo shacabka reer Puntland-ba ugu hambalyeeyey munaasibadda farxadda ciidul adxaha.

“Marka ugu horaysan waxaan halkan hambalyo uga dirayaa dhammaan ummadda Muslimiinta ah ee adduunka, shacabka Soomaaliyeed, kuwa reer Puntland waxaan ugu hambalyaynayaa munaasibadda ciidul Adxa fadligeeda oo ah munaasibad ku weyn dadka muslimiinta ah, shalay carafaa la taagnaa, maantana muslimiintu waxay ku ciidaysaa Ciidul Adxa, waxaan Alle ka rajaynaynaa ummadda muslimiinta ah meelkastay joogto iyo dhibaatada ka jirta dalalka muslim ka ah inuu ka dulqaado”.

“Waxaan sidoo kale ummadda Soomaaliyeed u rajaynayaa cilmi fiican, nabadgelyo iyo deganaansho uu siiyo, dhibaatooyinka haystana uu ka dulqaado” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo la qaybsanaya muslimiinta caalamka iyo shacabka Soomaaliyeedba farxadda ciidul adxaha ayaa ugu hambalyeeyey ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland munaasibadda maalintani weyn.

“Waxaan ummadda Islaam ka ah ugu hambalyaynayaa munaasibadda maalintani, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaa leeyahay farxad ku ciida, intaasi kadib waxaan idinkula dardaarmayaa inaad ilaashataan nabadgelyadiina, Puntland cadaw badan bay leedahay gude iyo dibedba, kuwo shayaadiin ah iyo kuwo kale oo xuduudaha inagaga soo duula labadaba inaan dalkeena ka difaacanaa waa waajib”.

“Puntland waxaa lagu dhisay isku duubni, wadatashi iyo dulqaad intaaba Puntland hadda waa looga baahan yahay, waxaa looga baahan yahay Samir, waxaa looga baahan yahay wadatashi, waxaa looga baahan yahay isu tanaasul, waxaynu maqlaynaa in beelaha qaarkood guuxyo iyo waxjiraan, waxaan u sheegayaa Puntland dulqaad bay u baahan tahay, isku duubni bay u baahan tahay, way kusoo caana maashay, Xukuumaddatan aan madaxda ka ahay waxay diyaar u tahay wixii wax qabada inay la fariisato oo qanciso, lakiin caado umalahaan jirin in beelo shir-shiraan oo hadalo soo saaraan, waxana ku boorinayaa xukuumadda in arrintaasi laga hawlgalo” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
August 2019
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online