Madaxweynayaashi Hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo u hambalyeeyay Axmed Madoobe

August 22, 2019 - Written by Editor

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa waxay Hambalyo u direen Madaxweynaha la doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ka dib doorasho saaaka ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubaland .

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri “Waxaan u hambalyeeynayaa Madaxweynaha la doortay Md. Axmad Madoobe, Waxaan leeyahay xilka Ilaahey ha kula garab galo. Noqo kii bulshada reer Jubaland usii horumariyo una dhammeystiro baahidooda ay ugu horreyso Amniga” qoraalkan ayaa waxaa uu ku qoray bartiisa Twitterka.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee KMG Shariif Sheekh Axmed ayaa hambalyo u diray Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu yiri “Waxaan u hambalyeynayaa Madaxweynaha la doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Waxaan ka rajeynayaa in muddada afarta sana ee la doortey inuu wax badan ka qabto horumarka deegaanka, uuna mudnaanta koowaad siiyo Amniga iyo dib udhiska Jubaland”

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka Jubbaland inay gacmaha is qabsadaan kana shaqeeyaan horumarka iyo dhismaha maamulka Jubaland si qeyb uga noqdaan geedi socodka dib u dhiska dalka iyo Federaaleynta

A/Cawale
Halgan.net

.

Comments are closed.

Archives
August 2019
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online