Madaxweyne Deni oo sagootiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya

August 2, 2019 - Written by Editor

Garoowe:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta Garoowe ka sagootiyey Guddoomiyaha Golaha Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan oo Puntland u yimid ka qeybgalka todobaadka Puntland iyo xuska 1-da August maalintii la’aasaasay Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa Guddoomiye Mursal uga mahadceliyey imaanshihiisa Garoowe iyo inuu Dowladda Puntland iyo Shacabkeeda kala soo qeybglaay xuska 1-da August.

“Runtii Sharaf weyn bay noo ahayd inuu nagala soo qeybgalo isaga iyo Xildhibaanadii la socday iyo Aqalka sareba xafladdii dabaaldega 1-da August, Waan ku faraxsanahay muddaddii ay joogeen iyo sida ay noo soo sharfeen, waan jeclaan lahaa inuu nalasii joogo laakiin howlo shaqo oo jira inuu degdeg u baxo ayeey kaliftay, waxaa rajeynaynaa marar kaleeto oo badan Guddoomiyaha iyo Xildhibaanadu ay soo noqon doonaan” Ayuu yiri Madaxweyne Deni .

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa Dowladda Puntland iyo Shacabkeeda uga mahadceliyey sida loo soo dhoweeyay, Guddoomiye Mursal ayaa sheegay inay sharaf iyo karaamo u aheyd inuu kasoo qeybgalo sanadguuradii 21aad ee kasoo wareegatay aasaaska Puntland.

DHAMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
August 2019
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online