Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay Furitaanka Madasha iskaashiga Afrika iyo Japan

August 28, 2019 - Written by Editor

Yokohama:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda FederaalkaSoomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay furitaanka Meertada 7aad ee Madasha Iskaashiga Afrika iyo Japan oo ay marti gelisay magaalada Yokohama.

Furitaanka Shirka oo ay wadajiru guddoominayeen Ra’iisul Wasaaraha Japan Mudane Shinzō Abe, Madaxweyne sharafeedka iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Cabdulfataax Alsiisi iyo Mudane Muuse Faqi ayaa la isla qiray muhiimadda shirkan uu u leeyahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalalka Afrika.



Shirarka Madashan ayaa inta ay socdaan waxaa lagaga arrinsan doonaa shaqo abuurka dhallinyarada, xoojinta fursadaha haweenka, dhiirri gelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo qiimeynta miro-dhalka mashaariicda Qaramada Midoobey iyo Japan ay wada jirka uga fulinayaan dalalka Afrika.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Eng. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo La-taliyaha Madaxweynaha Mudane Balal Cismaan.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
August 2019
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online