Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo daah-furay Ololaha Daaweynta Xoolaha Puntland.

August 31, 2019 - Written by Editor

Ku simaha Madaxweynaha dowladda Puntland, ahna Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay Ololaha Taageeridda Daaweynta Xoolaha Puntland, kaasoo la gaarsiin doono 3 Milyan oo kamid ah xoolaha ku dhaqan 9 gobol ee Puntland.

Munaasabadda daah-furka waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehlinyay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dowladda Puntland Siciid Cisman Aadan (Fiisigis), Shaqalaha Wasaaradda Dhakhaatiirta xoolaha soo daaweyndoona iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Madaxweyne ku-xageenka dowladda Puntland, ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay inuu saaka anba bixiyo dhaqaatiir soo daaweyndoona 3 Milyan oo kamida Xoolaha Puntland, waxa uu sheegay in xooluhu ay yihiin laf dhabarta dhaqaale ee dalka, isla markaana ay inoo leeyihiin faa’idooyin badan, sidaas darteena loo baahan yahay in laga warqabo Xoolaha Caafimaadkoda.

Ugu danbayn, ku simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa neefkii ugu horeeyay Tallaalka siiyay, dhaqaatiirta ayuu kula dar-daarmay inay xil iska saaaran howsha loo igmaday,waxaana uu bogaadiyay Wasasaradda Xanaanada Xoolaha dowladda Puntland oo qorshahaan soo diyaarisay, isgoo tilmaamay inuu rajjo wanaagsan ka qabo inuu guul ku soo dhammaado.

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Comments are closed.

Archives
August 2019
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online