Wasiir Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Puntland oo La Dhaariyey.

August 21, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ka ahaa dhaarinta Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka dowladda Puntland Maxamed Rooble Cabdi oo Maxkamadda Sare ee Puntland ay ku dhaarisay Xarunta Madaxtooyada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhaarta ka dib ku booriyey Wasiiru dowlaha inuu si wanaagsan uga soo baxo shaqada loo igmaday ee shacabka Puntland ay ka sugayaan, waxaa uu Madaxweynuhu kula dar-daarmay inuu waxkasta ka hormariyo waajibaadkiisa shaqo ee dastuuriga ah ee uu u dhaartay.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka dowaldda Puntland Maxamed Rooble Cabdi inuu u fududeeyo shaqadiisa, kuna asturo xilkaas loo idmaday

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
August 2019
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online