Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka ee Puntland oo Garoowe ku soo laabtay.(Masawiro)

August 24, 2019 - Written by Editor

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland,Mudane Maxamed Cabdirixmaan Dhabancad, ayaa maanta gelinkii hore dalka dib ugu soo laabtay, wasiirka ayaa intuu ka maqnaa Dalka safar Shaqo kuTagey magaalada Nairobi.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Dhabancad, ayaa guulo waaweyn kasoo gaaray safarkiisa muddadii uu ku maqnaa, wuxuuna kulmo lasoo qaatay Deeq Bixiyayaasha caalamka iyo qaar kamida Safaaradaha Caalamka.

Wasiir Dhabancad ayaa ugu horeyn ka warbixiyey safarkiisa isagoona sheegay in Masuuliyiintii uu shirarka caalami uu lasoo qaatay inay diyaar u yihiin sidii Puntland, ugala qeyb qaadan lahaayeen hirgalinta nidaamka Dimuqraadiyeynta, sidii Puntland uga qabsoomi lahayd Doorashooyinka hal Qof iyo Halcod.

“Sidaad lasocotaan mudo Asbuuc ah Waxaan ku maqnaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, halkaas aan shaqooyin kale duwan utagay,mudadadii aan halkaa Joogay wax weyn ayaa noo-suurta galay, waxaana ugu muhiimsanaa inaa shirar caalami kusoo galo oo looga hadleyey Barnaamijka Dimuqraadiyeynta ama doorashooyinka Puntland, iyo Dowlad wanaaga oo aan arrimahaas kusoo wada hadalnay beesha caalamka, Shirar ugu muhiima oo soo qabsoomay waxaa kamida shirkii agoosto 21dii ka dhacay safaarada Switzerland, ee Dalka Kenya, shirkaas oo noo abaabushay Safaarada Switzerland, ayna isugu yimaadeen Deeq bixiyaal, iyo safaarado kamid ah daneeyayaasha Soomaaliya sida EU delegation, UK, Norway, Sweden, Switzerland, Denmark, SSF, UN.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka hadlay Muhiimada ay Puntland uleedahay magacaabista Gudiga Doorashooyinka Puntland ee madaxweynaha Puntland, ku magacaabay mudo Todaba bil gudahood.

“Waa markii ugu horeysay oo ay dhacday in lamagacaabo Gudiga Doorashooyinka Puntland, mudo 7bil Gudahood,taasoo muujinaysa siday uga go,antahay oo ugu horeeyo madaxweynaha Puntland Saciid Abdullahi, iyo guud xukuumada iyo shacabka Puntland in Barnaamijka Dimuqraadiyeynta ay hirgasho, waxayna Beesha caalamka balan qaaday inay Puntland ka taageeri doonto nidaamka Geedi usocodka Dimuqraadiyeda.

Ugu danbeyn wasiirka wuxuu sheegay in shirarka uu ka qeyb galay lagu soo hadal qaaday Doorashooyinka soomaliya iyo Maamul Gobaleeyada, sidii laisku waa fajin lahaa Arrimaha Doorashada Soomaaliya.

“Hannaanka Doorashooyinka qaran iyo Dowladaha xubnaha Ka ah DFS sidii laisku waafajin lahaa ayaa lagawada hadlay iyo sidii soomaliya uga dhici lahayd Doorashooyinka qof iyo cod, waaba hadiii doorashadaas ay-ba kasoo dhowdahay Dowlada faderalka,ee ku saleesan hal cod iyo hal Cod, taasoo hada ififa-faalaheeda muuqan, hadeysan muuqan sidii looga fakari lahaa waddadii kale ee Soomaaliya, doorashadeeda ku dhici lahayd maadaama ay qar soo-saaran tahay udiyaar garow-geedii Arrimahaas waxay kamid ahaayeen arrimihii laga wada hallay”.

-DHAMMAAD-

XAAFIISKA WARFAAFINTA, XIRIIRKA, DADWEYNAHA EE WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
August 2019
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online