Golaha Wasiirada Ee Jubaland oo looga hadlay xariga Wasiirka Amniga Jubbaland

September 5, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Xukuumada Jubbaland.

Ugu horayn Waxaa golahu uu tageeray dadaalka Wasaarada Arimaha gudaha ee ay xalka kaga gaartay tabashooyinkii ka dhashay Doorashooyinkii Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ee dhawaan dhacay iyagoo soo dhaweeyay in wax walba oo tabashooyinka ah lagu xaliyo Sharciga iyo Hay’adaha Dowliga ah dhexdooda.

Dhinaca kale waxaa golahu uu cambaareeyay xadhiga Sharci darada ah ee Dowlada Federaalka ah ay kula kacday Wasiirka Amniga Jubbaland Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur iyadoo bilo kahor ay Maxkamada Gobolka Banaadir ay sheegtay in ay burtay dacwadii Sidaas darteed qabashada wasiirka waa mid sharci darro ah, waxaa golahu uu sheegay in cawaaqibka ka dhasha Falkaas sharciga ka fog ay masuuliyadiisa qaadayso Dowlada Federaalka ah.

Waxaa kale oo golahu uu ka hadlay Xayiraada dhinaca duulimaadyada shacabka ah ee Dowlada Federaalku kusoo rogtay dadka ree Jubbaland waxaana howshaas iyo xariga wasiirka Amniga loo Xil saaray gudi ka kooban Todobo Wasaaradood iyadoo gudigan la faray in ay xal rasmi ah ay yimaadaan oo culayska lagaga qaadayo dadka shacabka ah.

……….DHAMAAAAAAAD………

Comments are closed.

Archives
September 2019
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online