Khayre Oo Kormeeray Saldhigga Booliiska iyo Xarumaha Ciidamada Danab Ee Dhuusamareeb

September 5, 2019 - Written by Editor

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray saldhigga Booliiska Dhuusamareeb iyo xarumaha ciidamada kumaandoosta Danab iyo nabad sugidda ee qaybta ka qaadanaya adkeynta amniga magaalada Dhuusamareeb inta ay socdaan howlaha loogu diyaar garoobayo dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug loo dhanyahay.

Wasiirka amniga iyo Saraakiisha ciidamada ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay kormeerka oo isugu jiray dhiirri gelin iyo u kuur gelidda hannaanka ay ciidamadu uga shaqeynayaan adkeynta amniga iyo sidoo kale isu diyaarinta ciidamda Danab ee qorshaha xoreynta deegaannada ay argagaxisadu uga sugantahay Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la hadlay ciidamada ku sugan xarumaha uu kormeeray ayaa u sheegay in madaxda dowladdu ay aad ugu farasaxsantahay shaqada wanaagsan ee ciidanku qaranka u hayaan, ayna ku faanto ciidamada nafta u huraya ilaalinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay in ay si wadajir ah u laba jibbaaraan shaqada ay qaranka u hayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku dhinac wadda dadaallada dhismaha Galmudug loo simanyahay iyo qorshaha xoreynta shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan deegaannada ay argagaxisadu uga suganyihiin Galmudug, si marka ay dhismaan hey’adaha dowladeed ee Galmudug, ay dhamaan reer Galmudug u helaan adeegyada aasaasiga ah ee ay xaqa u leeyihiin.

—DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
September 2019
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online