Madaxweynaha Puntland oo daah-furay wejiga labaad ee Dhismaha Dekadda Garacad.

September 18, 2019 - Written by Editor

Garacad:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho ku tegay magaaladda Garacad ee Gobolka Mudug.

Garoonka Diyaaradaha ee Garacad waxaa Madaxweyne Deni iyo Wafdigiisa ku soo dhoweeyay Maamulka Gobolka Mudug, Kan Degmada Garacad iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu horeyn kormeeray Qalabka iyo Warshada diyaarinaysa Dhagaxa iyo Ciida lagu dhisayo Dekadda Garacad, kadibna wuxuu Madaxweynuhu u gudbay halka laga dhisayo Dekadda oo uu kaga qeybgalay Xafladda daahfurka wejiga labaad ee dhismaha Dekadda Garacad.

Wuxuu Madaxweyne Deni sheegay in Dhismaha Dekadda Garacad muhim u tahay Puntland, isagoo bogaadiyay Ganacsatada isu taagtay iyo dhammaan cidkasto ka qeyb qaadatay inuu hirgelinta Mashruucaan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ugu danbeyn si rasmi ah u Daah-furay Wejiga labaad ee Dhismaha Dekadda Garacad, Isagoo dhagaxii ugu horeeyay dhigay Badda meesha laga billaabayo dhismaha. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Xubno ka tirsan labada Gole, Maalgashadayaal ka socda Wadamo kala duwan, Qunsuliyadda Itoobiya ee Puntland iyo xubno kale.

DHAMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAN

Leave a comment

*

Archives
September 2019
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online