Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland.

September 24, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 73 September, 23, 2019 ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Datuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo khibraddiisa shaqo

Wuxuu xeeriyey:

1.Waxaa Mukhtaar Maxamed Xasan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Comments are closed.