Madaxweyne ku xigeenka PL oo Qayb galay Shirka dhaq- dhaqaaqa kor u qaadida nafaqada iyo ciribtirka Nafaqo darida Puntland.

September 18, 2019 - Written by Editor

Garoowe:- Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qayb galay shirka dhaq-dhaqaaqa kor u qaadida nafaqada iyo ciribtirka Nafaqo darida Puntland, kaasoo sadexdii bilood mar la qabto.

Shirkan waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehlinayay wasiirada Wasaaradaha barnaamijkan bahwadaagta la ah iyo hay’addaha qaybta ka ah mashruucan kor uqaadista nafaqada Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland Ahmed Cilmi Cimaan oo shirka
furay ayaa soo dhaweeyay qabsoomida shirkaan, waxaana uu xusay in loo
baahanyahay in laga mira dhaliyo mashruucaan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa daneeyaasha mashruucaan usoo jeediyay in si ugu wanagsan looga shaqeeyo ka hortaga nafaqa darida, waxaana uu tilmaamay in arintaasi dowladda ay ka go’an tahay sidii ay wax looga qaban lahaa, hay’ada qaybta ah ku ayuu booriyay inay kor u qaadaan arimaha nafaqaynta ee ka wadaan deegaanada Puntland.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
September 2019
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online