Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Daah-furay Mashruuca Biyaha, Nadaafadda iyo Fayo Dhawrka Deegaanada Galdogob iyo Xarfo.

September 16, 2019 - Written by Editor

Garoowe:- Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Daah-furay Mashruuca Biyaha, Nadaafadda iyo Fayo Dhawrka Deegaanada Galdogob iyo Xarfo.

Furitaanka mashruucan ayaa waxaa qayb ka ahaa Masuuliyiinta Wasaaraddaasi, masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda, saraakiil ka socda Hay’adda UNICEF, shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo ka hadlay muhiimadda uu leeyahay mashruucani ayaa sheegay in ilaalinta nadaafadda degaanku muhiimad gaaraleedahay, waxa uu xusay in haddii la Fayo dhawro degaanka la nadiifiyey Biyaha lagana shaqeeyey bilicda iyo horumarka dalka.

Sidoo kale Madaxweyne Karaash ayaa ku booriyey Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda UNICEF inay mashruucani uga soo dhalaalaan sidii loo qorsheeyey madaama uu waxtar balaadhan u leeyahay dadka iyo duunyadaba.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa hoosta ka xariiqay in mashruucani wax badan ka bedelidoono bedqabka caafimaad ee shacabka ku nool degaanada laga hirgelindoono.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
September 2019
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online