Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Guddoomiyay Shir Looga Hadlay Amniga

September 20, 2019 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta guddoomiyay shir ay kasoo qayb galeen safiirrada waddamada amniga ka taageeraa Soomaaliya iyo wakiillada beesha caalamka, loogana hadlay amniga iyo xoreynta deegaannada argagaxisadu uga sugantahay dalka.

Shirka ayaa intiisa badan looga dooday dardar-gelinta howl-gallada dagaal ee dalka ka socda iyo in kaalmada amni ee dowladaha saaxiibka la ah Sooomaaliya loo qaabeeyo hannaan la jaan-qaadaya qorshaha dowladda iyo rabitaanka ummadda Soomaaliyeed, guulna looga gaaro dadaallada xoreynta iyo adkeynta amniga.

Madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada Koonfur Galbeed iyo Hir-shabeelle oo shirka hadallo ka jeediyay ayaa sheegay in xoreynta goballada Shabeellooyinku ay muhiim u yihiin kobcinta dhaqaalaha iyo sugidda amniga caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa khudbaddii uu shirka ka jeediyey ku sheegay in dib-u-habeyn xooggan lagu sameeyay ciidanka qalabka sida labadii sano ee laso dhaafay, lana ogyahay tirada iyo tayada ciidanka, dalkuna uu leeyahay rajo-wanaagsan oo dhanka amniga iyo xoreynta ah, ayaa wakiillada beesha caalamka u caddeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay aad ugu baahi qabaan taageera amni oo wax ku ool ah.

Dowladda Soomaaliya oo daddaal xooggan ugu jirta sidii mas’uuliyadda amniga ula wareegi lahaayeen ciidamada qalabka sida, ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay waxa ay dib-u-habeyn ballaaran ku sameysay ciidamada qaranka, arrintaas oo fududeysay in deegaanno badan laga xoreeyo argagaxisada, dibna ay uga billaabato nolol bulsho oo dhammeytiran.

—DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
September 2019
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online