Madaxweynaha Dowladda Puntland oo la kulmay Qaar ka mid ah Hogaanka Dhaqanka Jubaland.

October 13, 2019 - Written by Editor

Kismaayo:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa kulan xog-wareysi ah la qaatay qaar ka mid ah Hogaanka dhaqanka ee Jubaland, kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Mudenayaal ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya oo uu ka midyahay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Masuuliyiin ka mid ah labada Gole ee Dowladda Puntland, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, Siyaasiyiin Xilal kasoo qabtay Puntland iyo Soomaaliya, Ganacsato, hogaan dhaqan iyo xubno ka socda ururada Bulshada.

Kulanku intuu socday waxaa laga hadlay Xaaladda Guud ee Jubaland, Isbedeladii ay soo martay magaaladda Kismaayo iyo horumarada la sameeyay. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhegaystay warbixinta Hogaanka dhaqanku siiyeen, wuxuuna kula dardaarmay illaalinta amniga iyo ka shaqeynta horumarka.

“Madaxweynuhu wuxuu bogaadiyey doorka hogaanka dhaqanka Jubaland ee ka shaqeynta illaalinta Amniga, Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay in lagasii shaqeeyo guud ahaan Horumarka, Midnimada, Adkeynta Amniga iyo illaalinta Guud ee wadajir-ka dadka Jubaland” Ayuu yiri Af-hayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane, Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani).

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo Kismaayo u yimi ka qeybgalka Caleemasaarka Madaxweynaha Jubaland, ayaa intuu halkan joogay kulamo la yeeshay qeybaha kala duwan ee Bulshada, Siyaasiyiin iyo Madaxda Jubaland.

DHAMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
October 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online