Madaxweynaha Jubbaland oo shir gudoomiyey shirka golahiisa xukuumada

October 3, 2019 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo khamiis ah shir gudoomiyay kulanka golaha Xukuumada waxaana ugu horayn lagaga hadlay xaalada amaanka deegaanada Jubbaland iyadoo golahu uu amaanay dadaalka Hay’adaha amaanka waxaa kale oo golahu uu ka hadlay sidii loo dardar galin lahaa howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Waxaa golahu uu ka dooday dardar galinta adeegyada garsoorka iyadoo Wasaarada Cadaalada iyo garsoorka ay ka warbixisay hanaanka dib u dhiska Xabsiyada Jubbaland gaar ahaan Xabsiga dhexe ee Magaalada Kismaayo oo dhismahiisu uu dhawaan bilaabanayo isla markana lacagtii ku bixi lahayd la diyaariyay.

Waxaa kale oo Wasaaradu ay sheegtay in Waxbarasho dibada ah dhawaan loo dirayo 12 Arday oo soo baranaysa sharciga iyo arimaha garsoorka iyadoo kuwo Waxbarashada soo dhamaystayna ay dib ugu soo noqonayaan Jubbaland dhawaan.

Wasaarada Xanaanada xoolaha ayaa laga dhagaystay Warbixin ku saabsan hanaanka talaalka xoolaha nool oo maraysa meel wanaagsan isla markana hada uu socdo talaalka in ka badan Sideed Milyan oo xoolo nool ah kuwaas oo laga hirgalinayo dhamaan deegaanada Jubbaland.

Golaha Wasiiradu waxaa kale oo ay ka doodeen hanaanka biyo galinta Magaalada Kismaayo iyo gaadhsiinta biyaha nadiifta ah deegaano kale oo katirsan Jubbaland waxaana howsha biyo galinta Magaalada Kismaayo ay marayso gaba gabo.

Golaha Xukuumada Jubbaland waxaa ay sidoo kale kulankooda maanta kaga hadleen tayada shidaalka laga isticmaalo deegaanada Jubbaland iyadoo marar qaar ay sababto in ay xumaadan gawaarida cilado ka jira tayada shidaalka darteed Xukuumadu waxaa ay soo jeedisay in aad loo hubiyo tayada shidaalka ay soo iibsanayaan dadka ree Jubbaland.

Adeegyada korantada ayaa sidoo kale golahu uu ka dooday saamaynta ka dhasha qalabka ay shirkadaha korantada isticmaalan oo khatar ku ah bad qabka Bulshada waxaana golahu uu isku raacay in tayada agabka ay shirkadahu isticmaalan ay noqdaan kuwo la hubiyay oo wixii dhibaato ah oo kasoo gaadha dadka shacabka ah ay qaadayaan shirkadaha korantada.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online