Madaxweynaha PL iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo.[Masawiro]

October 10, 2019 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid C/laahi Dani iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Safarka Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid C/laahi Dani ayaa waxaa ku weheliya Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole wasiiro , Xildhibaano,Issimo iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Safarka Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid C/laahi Dani ayaa waxaa uu ujeedkiisa yahay in uu ka qayb galo caleemasaarka Madaxweynaha jubbaland Axmed Madoobe oo ka dhici doonta magaalada Kismaayo.

Wafdiga Madaxweynaha dowladda  Puntland, Siciid C/laahi Dani ayaa waxaa soo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo dadweyne aad u badan oo garoonka Kismaayo kusoo dhoweeyey.

Ciidamo ka tirsan Jubbaland ayaa Ammaanka Kismaayo aad u adkeeyey, kuwaas oo la dhigay wadooyinka iyo goobaha muhiimka ah ee magaalada Kismaayo.



A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online