Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Safiirka Qaramada Midoobey ee Soomaliya.

October 27, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe kusoo dhoweeyey wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey Soomaaliya Mr James Swan.
Kulanka uu Madaxweynuhu la qaatay safiirka qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo weftigiisa ayaa waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Danjire Mr James Swan ayaa kulan ka kadib si wadajira ula hadlay warbaahinta. Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in ay ka wada-hadleen safiirka arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga, waxaana uu uga mahadceliyey hay’addaha Qaramada Mudiibey shaqooyinka muhiim ka ah ee ay ka hayaan dalka, gaar ahaan Puntland oo uu xusay Madaxweynuhu in shaqooyinkaasi ay muddo dheer soo socden.

“Maanta waxaa Garoowe Nagu soo booqday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Soomaaliya iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayey, runtii waxaan uga mahadcelinaynaa sida UN-ku ay mar walba Soomaaliya u garab taagan yihiin dhinaca horumarka, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Amnigaba, waxaan ka wada hadalnay arrimo badan oo khuseeya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga intaba, waxaan uga mahadcelinaynaa hawlaha badan ee hay’addaha UN-ka ay ka wadaan guud ahaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan Puntland oo runtii muddo dheer soo socdey haddana maraaya meel aad u fiican, waxaan isla eegnay meelaha u baahan in la sii horumariyo oo horumarka laga gaadhay, meelaha u baahan in habkii loo wadey waxlaga bedelo intaba waxaan ka yeelanay aragti fiican”

“Sidoo kale waxaan aad uga sheekaysanay horumarka siyaasadeed ee uu dalku marayo iyo amni, runtii waxa ay qireen marxaladda hadda Soomaaliya ay ku jirto in ay u baahan tahay wadahadal dheeriya, si arrimaha taagan ee qabyada ka ah, horumarka siyaasadeed ee dalka aragti midaysan ay ka yeeshaan dadka Soomaaliyeed, iyagoo markasta eegaya maslaxadda guud ee dadka Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan, waxaan si dhaw uga wadahadalnay sidii isu soo dhoweyn looga samayn lahaa DFS iyo Dowladdaha Xubnaha Ka ah, gaar ahaan arrinta Jubbaland oo runtii mudadii u dambaysey caqabad ay ka taagnayd waxaan rajaynayaa dedalka ay wadaan beesha caalamku, dedaalka ummadda Soomaaliyeed iyo dedaalka Puntland ay ka waddo arrintaasi inay midhadhalidoonaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa xusay in Puntland diyaar u tahay ka qayb qaadashada geeddi socodka siyaasadda, Amni, iyo Dhaqaalaha dalka, heeganna mar-walba u tahay ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaan ka wadahadalnay oo xusnay in Puntland marwalba diyaar u tahay ka qayb qaadashada geeddi socodka siyaasadeed, Amni, iyo Dhaqaale intaba, loo ilaalin lahaa midnimada Soomaaliya, loo dhaqangelin lahaa nidaamka Federaalka ah, mar walbana beesha caalamka oo UN-ku hogaaminayso ay gacan uga gaysan lahayd is bedeladaasi iyo horumaradaasi socda”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey Soomaaliya Mr James Swan ayaa dhankiisa bogadiyey horumarka balaadhan ee ay Puntland ka gaartay dhanwalba.

“Kuwani waa tusaaleyaal xooggan oo muujinaya sida ay Puntland uga go’an tahay hirgelinta horumar dhaqaale iyo mid bulsho iyo weliba hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda, taas oo aan aad u bogaadinayno. Muddadii aan ku jirnay booqashadeenna Puntland waxan muujinay sida ay muhiim u tahay iyo bulshadu hesho nabad iyo ammaan. Puntland waxan aad ugu bogaadinaynaa hawlgallada ay waddo ee ka dhanka ah Al-shabaab, iyadoo weliba adeegsanayna keliya ciidamadeeda iyo dhaqaalaheeda gaarka ah. Waxan uga mahadcelinaynaa Madaxwayne Deni sida uu si iskiis ah isaga xil saaray xoojinta xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha Xubnaha, tusaale Shirkii Garoowe ee qabsoomay bishii May. Dadka reer Puntland waxay ku faanan horumarka ay sameeyeen 21-kii sano ee lasoo dhaafay”. Ayuu yiri Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey Soomaaliya Mr James Swan.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWALADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
October 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online