Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Safiirka Shiinaha Ee Soomaaliya.

October 27, 2019 - Written by Editor

Garoowe:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay wefti balaadhan oo uu hogaaminayey Safiirka dalka Shiinaha ee Soomaaliya Mr Qin Jian.

Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dowladda Puntland. Kulanka kadib Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si wadajira uga warbixiyey muhiimadda kulanka iyo arrimihii looga wadahadlay, Madaxweyne Deni ayaa sheegay in safiirka ay tahay markiisii labaad oo uu yimaado Puntland, waxaa uu xusay in booqashadiisu ay kusoo beegmayso xilli Puntland isu diyaarinayso maalgashi iyo kobocdhaqaale.

“Maanta waxaa nagu soo booqday magaalada Garoowe safiirka dalka shiinaha ee Soomaaliya oo xaruntiisu tahay Muqdisho, runtii waa markii labaad oo uu yimaado Garoowe, waan uga mahadcelinayaa safiirka booqashadiisa, isagoo metelaya dalka Shiinaha oo xiriir dheer oo taariikhiya la leh dalka Soomaaliya, guud ahaan iyo gaar ahaan Puntland”

“Waan ku faraxsanahay booqashadiisa ku salaysnayd inaan isdhaafsano aaraa iyo aragti, Puntland oo marayso heerka horumarinta dhaqaalaha inuu soo booqdo, iyadoo ay joogaan shirkado shiinays ah oo dalka horena u maalgeliyey, haddana maalgelin kaleeto ka samayndoona haddii Alle idmo, shirkadahaas oo runtii u caansan tahay shirkadda CCECC oo dhistay garoonka Diyaaradaha Boosaaso, hadana mashaariic kale ka fulindoonta dalka, waan ku faraxsanahay imaanshihiisa waanna uga mahadcelinayaa, waana soo dhoweynayaa” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Safiirka shiinaha ee Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshihiisa Puntland markiisii labaad, waxaana uu bogaadiyey iskaashiga ganacsi iyo maalgashi ee Puntland iyo dalkiisa,

“Waa markii labaad ee aan imaado Puntland oo aan soo dhigo cagahayga dhulkan aadka u quruxda badan, waxaa sahashey tan saaxiib tinimada wanaagsan ee na-dhexmartay, ujeedada socdaalkaygu waxa ay ahayd inaan dardargelino saaxiiib tinimada ka dhexaysa labada shacab ee Soomaaliya iyo shiinaha, inaan wax ka ogaano fursadaha ganacsi ama maalgashi ee ka jira Puntland iyo inaan dhiirigelino iskaashiga maalgashi ee ka dhexeeya labada dhinac”.

“Sanadkan horaantiisii Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Deni wuxuu soo boogday gobolka Zhejiaing, labada dhinac waxay ka wadahadleen qodobo ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga iyo dardargelinta saaxiibtinimada qotada dheer ee labada dhinac, waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweyne Deni iyo Dowladda Puntland dedaalka ay ku bixiyeen sidii ay u horumarin lahaayeen xidhiidhka saxiibtinimo ee Puntland iyo shiinaha”Ayuu yiri Safiirka shiinaha ee Soomaaliya Mr Qin Jian.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWALADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
October 2019
M T W T F S S
« Sep   Nov »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online