Madaxweynaha Puntland oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyey Boosaaso (Masawiro)

October 17, 2019 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa dib ugu soo laabtay Boosaaso, kadib Caleema Saarkii Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Madaxweyne Deni ayaa mahadbalaadhan u jeediyey shacab weynaha magaalada Boosaaso, isimada, nabadoonada , Wax-garadka, siyaasiyiinta, masuuliyiinta Goleyaasha Dowladda, saraakiisha ciidamada, maamulka Gobolka, kan degmada iyo masuuliyiinta kale ee sida diiran ugu soo dhaweysey garoonka caalamiga ah ee magaalada Boosaaso isaga iyo weftigiisa.

“Marka u horaysa aad ayaan idiinka mahadcelinayaa, waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan isku soo guryo noqonay anagoo nabad ah iyo idinkoo nabad ah, waxaan sidoo kale Alle ka rajaynayaa hawlihii shaqo ee aan Boosaaso u joogey inay sii socondoonaan”

“Dabcan sidaad ka warqabtaan waxaan ka qayb galnay xafladdii caleema saarka magaalada Kismaayo ee loogu qabtay Madaxweynaha la doortay ee Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, runtii wuxuu ahaa caleema saar si mugleh ay Puntland uga qayb gashay, waxaa tegey Wasiiro, Xildhibaano, odayaal iyo wax-garad tiro badan oo kamid ah bulshada Puntland, wuxuu ahaa misaan weyn oo ay Puntland ka qayb gashay aniga iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo runtii isagu kaalin weyn kulahaa xilligii ay aasaasmaysey Jubbaland” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa salaan iyo mahadnaq balaadhan kasoo gaadhsiiyey shacabka Jubbaland walaalahooda Puntland, waxa uu tilmaamay in Puntland markasta ka go’antahay garab istaagga dhismaha dowladnimada Jubbaland.

“Runtii shacabka Jubbaland waxay nasoo fareen salaan, waxay aad uga mahadceliyeen inaan xafladdaasi kala qayb galno iyo garab istaagga aan marwalba garabtaaganahay xaaladaha ay soo mareen iyo dhismihii Jubbaland-ba, ugu dambayn Jubbaland iyadoo kaashanay Shacabka Soomaaliyeed iyo Puntland-ba lugaheeda ayay ku istaagtay, runtii ka qayb galka Puntland madashaasi waxay ahayd arrin muhiimadsiisa leh, anana waan ku faraxsanahay inaan walaalaheen kala qayb galno maadaama Puntland nidaamka Federaalka saldhig u hayd, maamulada kalena waan kala qayb gelaynaa sidan oo kale”.

“Magaalada Kismaayo nabadgelyadeedu taam ayay ahayd, culaysyo dhinacyada xuduudaha ka saaran ayaa jirey oo nimankii nabaddiid ka ahaa wayjoogeen, hawada iyo baddana culaysbaa ka saarnaa, dhinaca dhaqaalaha culays adag baa ka jirtey isna, waxaan rajaynaynaa ummadda Soomaaliyeed meelkastay joogaan in bulshada badan ee halkaasi ku dhaqan culayska dhaqaale ee saaran looga gurmandoono.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland ku booriyey inay maalgashtaan magaalada Kismaayo. Dhinaca kale waxa uu Soomaaliya u rajeeyey inay ka raysandoonto dhibkii ay soo martay.

“Waan ku faraxsanahay shirkado farabadan oo shirkadihii reer Puntland ahaa ayaa ganacsigoodu magaalada Kismaayo ka muuqdey oo maalgashtay, waan rajaynayaa Soomaaliya dhibkii ay soo martay inay ka raysandoonto, hore loo socondoono, nidaamkii Federaalka ahaa inuu hirgelidoono ayaan Alle ka rajaynayaa, dulqaad, wadahadal iyo is-qancin in looga gudbo wax kasta, nidamkeena weli curdinka ahna inuu hirgalaan rajaynayaa”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Comments are closed.

Archives
October 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online