Madaxweynaha Puntland oo xilal kale magacaabay

October 25, 2019 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Agaasime Waaxeedyo ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland kuwaasi oo kala ah : Warfaafinta, Xiriirka Dadweynaha, Mashaariicda iyo Xiriirka Hay’adaha Madaxa Banaan ee Madaxtooyada Dowladda Puntland:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.75 oo ku taariikheysan 28ka September 2019 ku magacaabay Agaasime Waaxeedyo ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Khibradooda shaqo

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani) loo magacaabay Afhayeenka ahna Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Madaxtooyadda Dowladda Puntland.

2. Waxaa Liibaan Jaamac Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

3. Waxaa Abshir Cali Qood loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Mashaariicda Madaxtooyada Dowladda Puntland.

4. Waxaa Cabdiraxmaan Cali Seed loo magacaabay Agaasimaha Xiriirka Hay’adaha Madaxa Banaan ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
October 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online