Madaxweynayaashii hore ee DFS oo maanta gaaray magaalada Kismaayo (Masawiro)

October 10, 2019 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Maamulka Jubaland si ay uga qeyb galaan caleema saarka Ahmed Maxamed Islaan ( Ahmed Madoobe).

Garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa Madaxweynihii hore ee DFS Sheekh Shariif Sh Ahmed ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jubaland Ahmed Maxamed Islaan waxaana socdaalka Madaxweyne Shariif ku weheliyey Cabdiraxmaan CabdiShakuur.

Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa sidoo kale socdaalkiisa ku wehelinaya xubno ka tirsan xisbiga uu hogaamiyo ee Himilo Qaran.

Dhanka kale waxaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubaland Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Wafdiga Madaxweynaha Xasan Sheekh waxaa ka mid ahaa xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid ah xisbiga uu hoggaamiyo ee Nabadda iyo Horumarka ee UPD.

Cabdi Yare
Kismaayo
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
October 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online